25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Qadar oo Farmaajo ku casuuntay shir xasaasi ah + Qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Xafiiska Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu casuumaad ka helay Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in Madxaweynaha lagu casuumay Shir gaara oo gudaha bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxa uu sheegay in shirka ay qabanqaabisay Dowlada Qadar isla markaana uu ka dhinac furmi doono shir sanadeedka guud ee QM.

Waxaa shirka diirada lagu saari doonaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya iyo sidii loo soo xoojin lahaa, iyadoo ay goobjoog ka noqon doonaan madax kala duwan oo heer caalami ah.

Casuumaada ayaa waxaa gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo Hassan Bin Hamza Asad Mohamed oo ah sii hayaha Safaaradda Qatar ee Somalia.

Xiriirka Dowladaha Qadar iyo Somalia ayaa sii xoogeystay wixii ka danbeeyay cadaadiska ay xulafada Sacuudiga saaren dowlada Qadar.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan dowlada Somalia ay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News