Faahfaahin ku saabsan Kooxo hubeysan oo taliye Nabad sugid ah ku dhaawacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay isgoyska Xoosh ee degmaasi ay ku weerareen Taliyaha Nabad sugida degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Kooxo watay gaari NOAH ah ayaa taliyaha Nabad sugida degmada Kaxdo oo magaciisa lagu soo koobay Qooleey ku weeraray Isgoyska Xoosh ee degmada darkeynley,waxaana la sheegayaa in Taliyaha Nabad sugida weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley Maxamed Cismaaciil C/llaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay goobta ka baxsadeen,islamarkaana Mr Qooleey goobta laga qaaday isagoo dhaawac ah,waxaana jira Askari ilaalo u ahaa Taliyaha Nabad sugida oo ku dhintay weerarka.

Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale,Weeraro loo adeegsaday gaari NOAH ah kaga dhaceen degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Waxayna Ciidamada amaanka degmada Dharkeynley u suurta gashay iney gacanta ku dhigaan gaari NOAH oo dhawaan weerar sabay dhimasho iyo dhaawac lagaga fuliyay degmadaasi.