28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xildhibaan ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas ay kaga xildhibaano kaga dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Hotel ku yaal Magaalada Cadaado oo uu leeyahay Wasiir Qoor Qoor ayaa looga dhawaaqay in xilka looga qaaday madaxweynaha Galmudug, waxayna wararka rasmiga ah oo ay heleyso Caasimadda Online sheegeysaa inay yihiin tirada xildhibaanadaas ilaa 17 Xildhibaan.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin xabsi gurigii uu Sheegay guddoomyaha Baarlamaanka in la geliyey isaga iyo ku xigeenka madaxweynaha, waxayna Xildhibaanadaan markii hore sheegeen inay doorteen guddoomiye kumeel gaar ah.

Tiradaan yar ee xilka ka qaaday Xaaf ayaa la sheegay inaysan waafaqsaneyn Dastuurka Maamulka Galmudug.

QODOBKA 52AAD

XIL-KA-QAADISTA MADAXWEYNAHA DAWLAD-

GOBOLEEDKA

1.      Madaxweynaha Dawladda ahna Guddoomiyeha Golaha Wasiirrada waxaa xilka lagaga qaadi karaa khiyaano Qaran, xil-gudasho-waa iyo ku-xadgub Axdiga Dawladda Galmudug.

  1. Golaha Wakiilladu, markii ay u codeeyaan kuna aqbalaan 2/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada ayaa eedayn lagu soo oogi karaa Madaxweynaha.

Odayaasha dhaqanka Beesha Habargidir ayaa maanta ku baaqay inay dowladda dhexe faragelinta ka deyso Maamulka Galmudug isla markaasna aysan aqbali doonin in la dumiyo maamulkaas oo ay sheegeen in sameyntiisa laga soo maray dhibaato badan.

- Advertisement -

Read more

Local News