26.9 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Wararkii ugu dambeeyey Cadaado, Wafdigii Xildhibaanada oo gaaray iyo rajada laga qabo wadahadalada bilaabanayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Wararka ugu dambeeyo ee ka imaanayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo in hadda ay xaaladda dagan tahay isla markaasna ay socdaan shirar kala duwan oo lagu doonayo in arrintaan lagu qaboojiyo isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo si hoose iyo miiska Korkiisa.

Wafdi ka socdo Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gebi ahaanba kasoo jeedo Galmudug ayaa hadda gaaray Magaalada Cadaado  waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda ugu sareyso si loo xaliyo arrintaan loona badbaadiyo Maamulka Galmudug ee hadda jirada kasoo reystay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir Ku xigeenka Madaxweyne Carbey, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo inta badan Xildhibaanada Baaralmaanka Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyey yeelanayey kulamo kala goono gooni ah oo lagu doonayo in miiska lasoo dhigo waxyaabaha la isku hayo.

Madawxeynaha Galmudug oo Ina badan Xildhibaanada la shiray ayaa u sheegay inay ka shaqeeyana danta Galmudug sidoo kalana ay ka hor tagaan waxa uu ugu yeeray kuwa doonayo inay dumiyaan Maamulka Galmudug.

Odayaasha Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado sidoo kale wado dadaalo ay ku doonayaan inay ku dhex galaan dadka walaalaha ah ee isku hayo Maamulka si loo badbaadiyo Galmudug isla markaasna aan laga shaqeyn dumintiisa.

waan idin soo gudbin doonaa waxyaabaha kasoo baxo kulamada kala duwan ee maanta ka dhici doono Magaalada Cadaado

 

- Advertisement -

Read more

Local News