Faahfaahin ku saabsan Kooxo hubeysan oo weerar khasaaro geystay ku qaaday Gaariga Gudd. Ururka Haweenka Somaaliyed

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dabley hubaysan oo wadatay gaari yar ayaa lagu soo waramayaa inay rasaaseeyeen gaari kale oo maraayay Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen ilo Wareedyo.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Via Roma ee Degmada Xamar weyne, kadib markii dableyda hubaysan ay rasaas ku fureen gaari noociisa uu yahay Surf oo ay saarnaayeen laba ruux.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa lagu dilay labo qof, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay qof kale. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga la weeraray ay lahayd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe.

Kooxda weerarka geysatay ayaa wadatay Gaari kale waxayna weerarka ku dileen haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka oo magaceeda lagu sheegay Canab C/llaahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Jaamac.

Waxaa halkaas gaaray ciidamado Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah