Akhriso: Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo soo saaray waraaq sax ah oo ay ku taageereen Xaaf

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhammaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya: Koofur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo  Galmudug ayaa soo saaray waraaq rasmi ah oo ay ku sheegeen inay kasoo horjeedaan faragelinta ay sheegeen inay dowladda ku heyso Maamulka Galmudug.

War Murtiyeedkaan ayaa lagu sheegay in looga soo horjeedo faragelinta dowladda ku heyso Maamulka Galmudug isla markaasna loo baahan yahay in la badbaadiyo Maamulka Galmudug.

Caasimadda Online oo xiriir la sameysay dhamaman maamul Goboleedyada ku saxiixan waraaqdaan ayaa xaqiiqsatay inay waraaqdaan tahay mid saxan oo aan laga been abuurin.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ismaandhaafka ka dhashay Khilaafka Khaliijka uu jiro olole, abaabulo iyo faragelin toos ah oo ku wajahan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, isla markaana ujeedkeedu yahay in Madaxweynaha lagu majaxaabiyo, arrintan oo qeyb ka tahay dowladda Dhexe.

Abaabulka arrintaan ayaa waxaa qorsheeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka dhaadhacsiiyey inay Maamulada dhan soo ogoladaan waraaqdaan.

Wararka aan hadda heleyno ayaa sheegayo inuu Shariif ku wargeliyey maamul Goboleedyada inay soo saaraan waraaq kala gooni gooni ah oo ay ku saxiixan yihiin madaxweynayaasha si banaanka u keenaan go’aanadooda, dhammaantoodna arrintaan way aqbaleyn.

Caasimadda Online kal soco wixii kusoo kordho arrintaan iyo waraaqaha saxiixan oo ay soo saari doonaan maamulada iyagoo kala gooni gooni ah.