Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmo shir weynaha Qaran ee Daahfurka dastuurka Somalia.
Shirkan ayaa waxaa marti galineysa Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona dhammaan maamul Goboleedyada ka jira dalka.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in shirka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada oo taariikhdu ay ku beegantahay 8 October.
Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Shirkan uu magaalada Muqdisho ka socon doono mudo labo maalin ah, wuxuuna Sheegay in wafuudii ka qeyb geli laheyd shirkaas ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Maamulada ilaa iyo hadda la sheegay inay ka qeybgalayaan shirka ayaa waxaa kamid ah sida Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.
Dhinaca kale, shirkan ayaa intiisa badan waxaa dib u eegis lagu sameynayaa dastuurka KMG ah oo iminka ay si rasmi ah ugu shaqeyso dowlada FS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

