Sir xasaasi ah: Madaxweyne shaaca ka qaaday xiriirka qarsoon Daacish iyo USA

Kabul (Caasimada Online) – Hamid Karzai, madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan ayaa ku eedeeyey in Mareykanka ay la shaqeeyaan kooxda Daacish ee dalka Afghanistan.

Wareysi uu siiyey Taleefishinka Aljazeera ayuu Karzai ku sheegay in Mareykanka ay u ogolaadeen kooxda Daacish inay ku baahdo dalka Afghanistan.

“Waxay ila tahay in Daacish ay soo baxday ayada oo ay si buuxda u joogaan, isha ugu hayaan sirdoon iyo milatari ahaanba Mareykanka” ayuu yiri Karzai.

“Laba sano ayay dadka Afghanistan oynayeen oo ay dhibanaayeen, ayada oo xadgudubyo badan ay dhaceen, waxna aan laga qaban”.

Karzai ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ay ISIS u adeegsadeen cudur daar ay bamkii ugu weynaa ugu garaacaan dalka Afghanistan, sanaddii 2017.

“Kadibna maalinkii xigay Daacish waxay qabsatay degmadii xigtay ee dalka Afghanistan” ayuu yiri

“Tani waxay caddeyn u tahay inay gacan saar leeyihiin kooxda Daacish ee Afghanistan iyo Mareykanka”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com