Erdoğan ” Madaxweyne Trump mandiqadda bariga dhexe wuxuu ku riday Naar”

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa weerar toos ah ku qaaday dhigiisa dalka Mareykanka Trump isagoo go’aankiisa ku aadan in safaaradda Mareykanka loo raro Qudus ay ka dhigan tahay isagoo Mandiqada Bariga dhexe ku riday Naar.

Erdogan oo Maanta oo Khamiis ah la hadlayey dad isugu soo baxay Caasimadda Ankara ee Turkiga isagoo kasoo laabtay safar uu ku aaday dalka Japan ayaa sheegay inay waajib tahay inay hoggamiyaasha ka Shaqeeyaan Islaaxa balse aysan aheyn inay kiciyaan foodo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa yiri “Waa qaldamay haddii uu Trump u maleenayo inuu saxan yahay maadaama uu awood leeyahay, waa inuu fahamsan yahay in xoogga aaney had iyo jeer sax ahayn, laakiin qofka saxda ah uu yahay kan xooggan”

” Waan sii wadi doonaan wadahadalada aan taleefoonada ka wado, kaliya maahan dadka aan la hadlayo kuwa dowladaha Islaamka, xataa waxaan codsi u diray Pop-ka Vaticaanka, Galabta ama Berri subax waan wada hadli doonaa, sababatoo ah Qudus xataa waa meel ay ixtiraamaan dadka Masiixiyiinta ah, arrintaana waan ka wada hadli doonaa” ayuu sii raaciyey Erdogan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu arrintaan kala hadli doono dhigiisa dalka Ruushka vladimir putin iyo Hogaamiyayaasha dalalka reer Galbeedka  sida Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Spain, isagoo ka dhawaajiyey inaysan arrintaan kaliya taabaneyn Muslimiinta balse ay kulmineyso dhammaan Aadanaha.

Erdoğan ayaa ka dhawaajiyey in Mareykanka iyo Israa’iil ay yihiin labada dowladood ee ilaa hadda ku xad gudbay go’aanada Qaramada Midoobay ee Magaalada Qudus.

Erdoğan ayaa go’aanka Trump ka hor soo gudbinayey digniino isdaba joog ah wuxuuna go’aanka Qudus loogu aqoonsaday Caasimadda Israa’iil ku sheegay inuu keenayo inuu Turkiga xiriirka u jaro Israa’iil maadaama uu sheegay inay Qudus tahay qadka Cagaaran ee Muslimiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com