Mahad Salaad: “96 Xildhibaan ayaa saxiixday mooshinka Madaxweyne Farmaajo”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in hadda ay heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayuu sheegay in ay Guddoonka Golaha shacabka ka codsadeen in uu kalfadhiga Baarlamaanka dib u furo si ay howlaha hadda taagan u dhameystiraan.

Mahad,ayaa sheegay in Warqadda codsiga in guddonka dib u furo fadhiga Baarlamaanka ay diyaariyeen walina aysan u gudbin Guddoonka,waxaana uu intaas raaciyay in ay gudbin doonaan.

Mooshinka ayaa xoogeystay kaddib markii Axaddii Ciidanka amaanka ay weerar ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir.

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan.

Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin  u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada.

Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah.

“Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com