Dooni ay la socdeen Soomaali badan oo ku degtay Badda Libya iyo Talyaaniga + Khasaaraha dhimasho

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wakaaladaha Doon ay la socdeen tahriibayaal Soomaali iyo Afrikaan kale ayaa ku dagtay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Doonidan degtay ayaa waxaa la socday tahriibayaal badan oo qaarkood la kulmay dhibaatooyin badan.

Doonida degtay ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ilaa Sideed ruux,halka ay ciidamada badda Talyaaniga soo badbaadiyeen 84 kale.

Dadka Doonida la socday ayaa qaarkood ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri, waxaana baadi-goob ugu jira ciidamada badda.

Maraakiib laga leeyahay Talyaaniga ayaa wada baadi goobka ku aadan dadkan la layahay, oo markii horeba tahriib ahaan  uga soo baxay dalka Liibiya.

Si kastaba dadkan tahriibayaasha ah oo ka kala taga dalal badan oo Afrikaan ah ayaa badi raadiya nolol dhaanta mid ka duwan midda ay ku nool yihiin, waxayna naftooda ku halligaan badda si ay u tagaan Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com