Arrin cusub: Imaaraadka oo xiray Amiir kasoo jeeda qoyska xukuma dalka Qatar

Muqdisho (Caasimada Online)-Amiir kasoo jeeda qoyska xukuma dalka Qatar ayaa sheegay inuu ku xiran yahay dalka Imaaraatka Carabta oo khilaaf Siyaasadeed uu kala dhexeeyo Qatar.

Amiirkan oo lagu magacaabo Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ayaa hadalkan ku sheegay fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyey barta YouTube-ka.

Waxa uu sheegay Cabdallah Bin Cali Al-Thaani inuu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan yahay mid xiran.

Cabdallah Bin Cali Al-Thaani, wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaara uu mas’uul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadka, isagoo intaa raaciyay inay jiraan xadgudubyo loo geystay.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa caqabado dhanka Siyaasada ah ku heysa muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qatar, iyadoo ujeedka uu yahay si dowlada Qatar loo dareensiiyo heerka uu gaarsiisan yahay xiriir xumida colaadeed ee kala dhexeeya.

Geesta kale, dowladaha Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com