Muxuu ahaa Amarkii ay Waxgaradka Beesha Cadaado dul dhigeen Abshir Bukhaari, Qoor Qoor iyo Abtidoon Yare

Cadaado-(caasimadda online)-Wararka ka imaanaya  magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha ay kuqasbeen xubnaha  ugu jira dowladda Federaalka ah  in aysan ka qeyb gelin Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug ee kafurmay magaaladda Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaashu ay ku andacoonayaan in aan wax talo ah lagu darsan iyaga inta uu socday Heshiiskan, sidoo kalena waxay dhaliilsanyihiin Sababta aan shirkaas Cadaado loogu Qaban.

waxa ayna Odayaasha dhaqanka ee Cadaado sheegeen in ay kasoo horjeedaan Shirka maanta ka furmay  magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhammeystirayo Heshiiskii ka dhacay Muqdisho ee Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa si gaar ah u xanibay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Maxamed Abtidoon Yare oo intaba ka soo jeeda Beesha Cadaado.

Xubnahan ayaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin shalay laga diray Dhuusamareeb, si ay u soo dhageystaan una soo qanciyaan tabashada Beesha.

kulan saacado badan qaatay oo la isku mari waayay ayay Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado ku adkeysteen in aanay ka qeyb gelin Munaasabadda maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb.

Beesha reer xaaji ayaa ka soo horjeeda heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo ay u aragto mid dhib ku ah jiritaanka magaalada Cadaado oo maqaamkeeda aan wali la cadeyn, iyadoo heshiiskaas uu u gogol xaarayo in loo guuro Dhuusamareeb.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com