Imaaraadka oo fashilinta mooshinka  Dekada Berbera u adeegsaneysa xildhibaano ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa weli ku adkeysaneysa in waddo xalaal ah loo maray Heshiiska Dekadda Berbera ee u dhexeeyay Shirkada DP World iyo maamulka Somaliland oo xubin ka ah maamulada ka jira dalka.

Dowlada Imaaraadka oo qorsho fog ka leh Heshiiskaas ayaa iminka bilowday isku day ay baarlamaanka Somalia uga hor istaageyso Mooshin laga wado Heshiiska.

Imaaraadka ayaa isku daygaasi u adeegsaneysa tirro Xildhibaano ah oo ka tirsan isla baarlamaanka Somalia kuwaa oo la doonaayo inay kala dhantaalan Mooshinka iyo dadaalka lagu dardar galinaayo fashilinta Heshiiska Shirkada iyo maamulka.

Illo ku dhow dhow Xildhibaanada loo adeegsanaayo burburinta Mooshinka iyo is hortaga qorshaha ay dowlada Somalia ku fashilineyso Heshiiska ayaa noo xaqiijiyay in abaabulka Xildhibaanadaas uu ka socdo Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ay dowlada Imaaraadka carabta u adeegsaneyso burburinta Mooshinka lidka ku ah Heshiiska Berbera iyo is hortaaga dadaalka Madaxdu ku dooneyso in lagu xaliyo ayaa tiiro ahaan gaaraya ilaa 21 Xildhibaan oo iminkaba wada abaabulka.

Xildhibaanada ay dowlada Imaaraadka Carabta u adeegsaneyso is hortaaga Mooshinka ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo waayadan ahaa kuwo Saldhigtay magaalada Abuu Dabai,ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Waxaa jiro Xildhibaano kale oo la sheegay inay kamid yihiin Faarax C/qaadir, Cabdiraxmaan Odawaa,  Maxamuud Cilmi Abuukaate iyo Xildhibaano kale oo dhowr ah, kuwaa oo inta badan dhaqaale ku raacay is hortaaga qorshaha lagu badbaadinaayo Dekadda Berbera oo Hanti Qaran ah.

Mashruuca ay dowlada Imaaraadka ku hor istaageyso qorshaha lagu laalaayo Heshiiska DP World iyo maamulka Somaliland, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay soo qaaten Xildhibaan Cumar C/rashiid oo adeegsanaaya Xildhibaanada mucaaradka iyo Xildhibaan Xiddig oo u dhexeeya dowladaha Imaaraadka iyo Ethiopia.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa dadaal dheer ku bixineysa badbaadinta Dekadda Berbera, waxaana jira Xildhibaano aad u badan oo dowlada Somalia garab kusiinaaya dadaalka lagu hor istaagaayo Heshiiskaasi, halka Xildhibaanada qaarna ay dhaqaale ku iibsanayaan dalka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in gudaha asbuucaan ay go’aan cad ka qaadato faragalinta ay dowlada Imaaraadka ku heyso Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com