Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ka soo horjeestay go’aankii Golaha Shacabka ka qaatayn Shirkadda DP World.

Hargeysa (Caasimadda Online) – Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargaysa waxay kaga hadlayn go’aankii ay Shalay Shirkada DP World ka qaatay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo dalka looga mamnuucay  DPWorld.

Baarlamaanka Soomaaliland ayaa soo saaray Lix qodob oo ay kaga hadlayaan xiisadda siyaasadeed ka taagan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa taas oo salka ku haysa heshiiskii Dekadda magaalada Bar-Bara ee Soomaaliland.

  1. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera.
  2. Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale
  3. Golaha waxaa uu taageeray heshiiska maalgeshiga Berbera.
  4. Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan u siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland  loo aqoonsado cadaw qaran
  5. Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika in ay yihiin kuwa keenni kara xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed.
  6. Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee jamhuuriyadda Somaliland.

Hadalada iska soo hor jeeda ee ka soo baxaya Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa sii hurinaya Xiisadda siyaasadeed ka dhalatay heshiiskii Dekadda magaalada Ber Bera ee Soomaaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com