26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

C/weli Muudey oo ku dhawaaqay Xilliga Baarlamaanku ka shirayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu danbeyn shaaciyey xilliga uu furmayo kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya .

Mudane Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu furmi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso. Wuxuu intaas ku daray in Ajandaha kulanka uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo mooshinka Jawaari qabtay 14-kii bishan ayay ku qaadatay muddo 11 maalmood ah inuu waqti u qabto mooshinka.

Hadalka ka soo yeeray C/wali muudey ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii golaha aqalka Sare ay soo saareen baaq ku ku aadan in waqtiga aqbalaada Mooshinka laga soo bilaabo 18-ka bishan, taasoo micnaheedu mudada 10-ka cisho ee la doonayo in mooshinkaas looga doodo uu ku eg yahay 28-ka bishan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News