Golaha Aqalka sare oo go`aan ka soo saaray Mooshinka ka dhanka ah Jawaari iyo xiliga uu dhacayo

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq iyo talooyin ka soo saaray mar kale khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo loogu baaqay Xildhibaanada in ay u midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee maareynta Mooshinka.

Baaqan ka soo baxay Aqalka Sare ayaa ahaa kii labaad oo ay soo saaraan, waxaana ay ka digeen in laga fogaado is qab qabsi iyo xasilooni dari siyaasadeed ka dhasha mooshinka.

Aqalka Sare ayaa ku taliyay waqtiyeynta aqbalaada Mooshinka Guddoomiye Jawaari laga soo bilaabo 18 bishan Maarso, taasoo mudada uu ku burayo ee 10-ka cisho ay ku egtahay 28-ka bishan.

Sidoo kale Aqalka Sare ayaa sheegay in hadii lagu guuldareysto maareynta mooshinka iyo in la horkeeni waayo Golaha, in dood iyo cod la gelin waayo inta ka horeysa mudada loo cayimay ay u arkayaan in mooshinka buray.

Akhriso Baaqa iyo talooyinka uu soo saaray Aqalka Sare:-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com