Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee BFS C/wali Ibraahim Muudey.
Jawaabta Mahad Cabdala Cawad, ayaa daba socta qoraal uu maanta Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Muudey ku shaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad, waxa uu qoraalka Jawaabtiisa ku sheegay in go’aanka kasoo baxay Muudeey uu yahay mid isaga u gaar ah, oo aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa.
Mahad Cawad, wuxuu kaloo sheegay in Guddoomiye Muudey aanu Ku-sime aheyn, maadaama Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu joogo.
HOOS KA AKHRISO WARQADA MAHAD CAWAD


HOOS KA AKHRISO WARQADA UU SOO SAARAY GUDDOOMIYE MUUDEEY


