24.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Muudeey “Waxba isma beddelin, Jawaari codka ayaa loo qaadayaa sabtida”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Muudeey ayaa sheegay inaanu waxba iska beddelin qorshaha codka kalsoonia loogu qaadayo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaa Jawaari maalinta sabtida.

Muudeey ayaa xalay soo saaray warqad uu ku saxiixnaa oo jawaab u ahayd hadalkii shalay kasoo yeeray Jawaari ee ahaa in mooshinka uu burburay, islamarkaana baarlamanka uu howlihiisa caadiga dib u billaabayo sabtida, uuna hoggaamin doono kulanka.

Muudeey ayaa sheegay in guddoomiye mooshin laga keenay uusan baarlamaka hoggaamin karin, sidaas darteeda uu sabtida hogaamin doono kulanka, islamakaana ajendaha uu yahay mooshinka.

Hoos ka aqriso warqadda Jawaari

- Advertisement -

Read more

Local News