Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudey ayaa soo saaray waraaq uu shaqadii si kumeel gaar ah kaga joojiyey xoghayihii guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.
Muudey ayaa waraaqdaan shaqo joojinta ah u kala diray Xafiisyada dowladda oo ay khuseyso sida Bankiga Dhexe, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Muudeey ayaa Xoghayaha Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey Khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoonka.
Wareegtada oo ku taariikheysan 2 Bisha Apriil oo Maanta ku beegan ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojin KMG ah lagu sameeyey Xoghaye Buux iyada oo la amray in si KMG ah uu Shaqada u sii wado ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullaahi Cabdi Ciyoow.