Siyaasad xumida xildhibaanada federaalka ee Koonfur Galbeed

Xildhibaanada dowladda federaalka ee ku matala maamulka koonfurgalbeed ee soomaaliya ayaa waxaa cabasho iyo dhaliilo xoogan usoo jeedinaya aqoonyahanada ka soo jeeda KGS, aragtida ah in la dhaliilo shaqsiga xilka ummadeed kufadhiya ma’ ahan wax ku dhisan sed bursi iyo shaqsi naceyb, Sidaasi waxaa  sheegay aqoonyahan Eng. Feysal Cabdullaahi Cali oo kasoo jeeda deegaanadaas.

Dhaliisha loo jeedinayo xildhibaanada kasoo jeeda KGS ayaa ah mid muuqata oo aan shaki ku jirin  waana aragti ay ka mideysanyihiin aqoonyahanada Iyo dadka deegaankaas.

Aqoonyahanada ayaa ku doodaya in xildhibaanada ay ka caga jiidayaan wax u qabashada dadka kasoo jeeda  deegaanada KGS, saddexda Gobol ee dhaca KGS waxaa golaha shacabka ku matalla xildhibaano ka badan 60- dan lixdan, hayeeshee waxaa jira shaqsiyaad xildhibaanadaas kamid ah oo galaan gal weyn ku leh dowladda federaalka soomaaliya.

Shaqsiyaadka ayaa waxaa laga xusi karaa:-

  1. Xildh. Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil
  2. Xildh. Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe)
  3. Xildh. Shariif Maxamed Cabdalla
  4. Xildh. Cali Cabdi Cisman
  5. Xildh. Maxamuud Maxamed Boonow
  6. Xildh. Xuseen Maxamuud Badni
  7. Xildh. Maxamuud Macalin Yaxye
  8. Xildh. Maxamed Cumar Dalxa
  9. Xildh. Idiris Cabdi Dhaqtar
  10. Xildh. Iimaan Cabdullaahi Cali

Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ayaa udub dhexaad u ah baarlamaanka federaalka, Marka laga reebo danahooda shaqsiga ah majiro dan guud oo ay ku mideysan yihiin, arrintaasna waxaa daliil u ah xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha oo aysan Muuqan qorsho cad oo ay kusoo dhicinayaan xuquuqda dadka kasoo jeeda KGS.

Waxaa jira dhalinyaro kasoo qalinjabisey culuumta difaaca dalka kuwaas oo kasoo jeeda kgs walina aan helin xilal muuuqda taasina waxaa loo aaneenayaa wax qabad xumida Xildhibaanada baarlamaanka ku metela kgs.

Dhanka kale waxaa yar tirada  awood Qeybsiga kuraasta agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowaldda federaalka, ay reer kgs ku leeyihiin, si taa lamid ah saafiirada, wasiiru dowlayaasha, hoggaanada ciidamada qalabka sida, agaasime waaxeedyada wasaaradaha DFS dhammaan Awoodahaas oo idil dadka kgs ayaa ku dulman.

Aqoonyahan Eng. Feysal Cabdullaahi Cali oo kasoo jeeda koonfur galbeed Ayaa Markale aaminsan haddii ay dhexmarto wadashaqeyn iyo is aaminaad buuxda xildhibaanada KGS waxaa meesha ka bixi kara dhammaan tabashooyinka iyo xuquuqda ka maqan dadka koonfur galbeed ku Abtirsada.

Dabayaaqadii sanaddii 2016 waxa uu dalacsiiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane xasan sheekh maxamud kudhowaad 100 sarkaal kuwaas oo shaqsi kamid ah uusan kasoo jeedin koonfur galbeed balse saraakiisha la dalacsiiyey ayaa kasoo kala jeeday dowladd goboleedyada dalka sida.  Jubaland, Galmudug, Hirshabeele Iyo Puntland.

Tani waxay ayaan daro cad  u tahay xildhibaanada  aan kasoo bixin mas’uuliyadda culus ee loo doortay, ugu dambeyn xildhibaan ha eedsan waxa aad maanta qaban weydid berri marka aad kursiga Baneysid.

WQ:   Aadan Zeytuuni