Imisa xildhibaan ayaa saxiixday mooshinka ka dhanka ah Waare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo diyaarintiisa ay ka socto magaalada Jowhar.

Mooshinkan oo awood badan Mooshinadii hore ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano Miisaan ku dhex leh baarlamaanka maamulka HirShabelle.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxaa ku jira Wasiiro ka tirsan maamulka oo iyagu ay xurguf Siyaasadeed kala dhexeyso Waare.

Madaxweyne Waare oo  ka maqan Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa haatan ku sugan Magalada Baladweyne,waxaana xildhibaannada saxiixay Mooshinka ay iminka gaaray ilaa 66 Xildhibaan.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa Maxamed Cabdi Waare ku eedeeyay inuu ku tagrifalay Dastuurka isla markaana uu ka dhamaan la’ yahay dalxiis iyo dhoof aan mudeysneen.

Sidoo kale, Sharmaake Xasan Ganeey oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa qiray in Mooshinka ay saxiixeen 66 Xildhibaan, isla markaana ay jiraan Xildhibaano kale oo safkaku jira.

Xildhibaanka waxa uu cod dheer ku sheegay in Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare uusan ka danbeyn doonin Hogaamiyihii ka horeeyay Cosoble oo isagu daaqada ka baxay.

Si kastaba ha ahaatee, Mooshinkaan ayaa la filayaa in dhawaan la horgeeyo baarlamaanka si ay go’aan uga gaaran Mooshinka Maxamed Cabdi Waare.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com