Dowladda Soomaaliya Oo 1 Milyen Oo Dollar Ugu Deeqday Dadka Fatahaaduhu Ay Saameeyeen

Muqidsho-(Caasimadda online)-Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonto fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo ay ku baaba’een dalagyo ay beerteen beeraleey Soomaaliyeed islamarkaana sababay barakac baahsan.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Mahdi Mohamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).

Mudane Mahdi Mohamed Guuleed Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba in gacmaha laysu qabsado sidii samata bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaaro dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

Qeybo ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, J/dhexe iyo Gedo ayay webiyada Jubba iyo Shabeelle fatahaado ka geeysteen, ayadoo ay sababeen barakaca dad shacab ah iyo weliba dalagyo ka baaba’ay beeraleey.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dowladda iyo shacabkuba isu kaashadaan sidii loo samata-bixin lahaa, gargaar deg-deg ahna loo gaarsiin lahaa dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadda webiga.

Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu  u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Dalka.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com