Dagaal mar kale laga cabsi qabo in uu ka qarxo Tukaraq iyo gurmad xoog leh oo labada dhinac soo gaaray

Takuraq (Caasimadda Online) – Xili bulshada Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ay aad ugu walaacsan yihiin xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Sool una dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa isa soo taraya hadalada colaad hurinta ah ee labada dhinacba ka soo kala yeeraya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in aysan jirin xilligaan waan waan laga dhex wado iyaga iyo Maamulka Soomaaliland,isla markaana aysan jirin doonin wax wadahadal ah.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland ay heysato deegaano badan oo Puntland ay leedahay sidaas daraadeedna uusan jiri doonin wadahadal ilaa Soomaaliland ay baneyso deegaanada Puntland ee Gobolada Sool iyo Sanaag.

“Soomaliland waxaan wada hadli karnaa markii ay dib ugu laabtaan ciidamadooda halkii ay ka soo duuleen Bishii Octoober ee Sanadkii 2017 balse intii ay ku sugan yihiin Gambara,Gaatama iyo deegaanada kale majiri doonaan wadahadal,xabad joojinta lagu dhawaaqayna waxa ay ahaan doontaa mid dhicis ah ayuu yiri Camey.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay socdaan wada xaajood u dhaxeeya dhinacyadaan colaada u dhaxeysa islamarkaana ay garwadeen ka yihiin xubno ka socda beesha caalamka.

Laakiin madaxweyne ku xigeeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa meesha ka saaray in ay jiraan wax wada xaajood ah oo hadda socda wuxuuna shuruud ku xeray joojinta colaadaasi tagaan.

Waxaa weli is hor fadhiyo ciidamadii dagaalmay, waxaana jirto cabsi weyn oo ku aadan inuu mar kale dagaal qarxo, waxaana lasoo sheegayaa in labada dhinacba ay soo kala gaareen gurmad xoog leh.

Dhawr jeer ayuu soo laalaabtay dagaalka deegaanka ku dhex marayo Puntland iyo Somaliland, waxayna mar kasta labada dhinac kala sheegtaan guulo inkastoo weli uu dagaalka ka socdo halkii uu markii hore ka bilowday.

Xaalada deegaanka tukaraq ayaa haatan ah mid kacsan,waxana laga dareemayaa xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada labada maamul ee isku-horfadhiya Tukaraq,mana jirto cid ilaa iyo hadda sidhab ah iskugu dayday In ay kala dhexgasho marka laga reebo baaqyo Warbaahinta loo marinayo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com