Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Somalia ayaa Digniin kasoo saartay isticmaalka Badda xili lagu guda jiro bad xiranka.
Wasaaradu waxa ay sheegtay in Kaluumeysatada ay suura galtahay inay dhibaatooyin kala kulmaan gudaha bada.
Wasaaradda ayaa uga digtay Dhammaan kaluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka.
Wasaaradu waxa ay dhalinyarada ku amartay inay ka feejignaadan tagida meelaha fog-fog ee Bada gudaheeda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ay kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan qasarooyin isugu jira Naf iyo Maal.
Waxaa lagu sheegay in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhamaanba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux.
Dhinaca kale, Digniinta Wasaarada ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia ay tuhun ka muujineyso dhameystir la’aanta qalabka kaluumeysatada oo aan ka bixi Karin tagida meelo fog fog.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho