Muqdisho (Caasimada Online) Fadhi maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku diideen meel marinta miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto xukuumadda Soomaaliya sannadka na soo aadan 2013-ka, taasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.
Kulanka oo ay soo ka qaybgaleen xildhibaanno gaaraya 154 mudane, waxa shir guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari}, waxana dood dheer kaddib uu sheegay in cod loo qaado miisaaniyadda ay soo bandhigtay.
Xildhibaanno gaaraya 54-mudane ayaa oggolaaday in miisaaniyadda la meel mariyo halka ay diideen 70-xildhibaan, waxana shirka markii codka loo qaadayay ka maqnaa 30-xildhibaan oo markii hore joogay fadhiga sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka.
Si kastaba, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa seddaxdii cisho ee la soo dhaafay waxa ay ka dooddayeen miisaaniyadda xukuumadda ay ku shaqayndoonto sannadka 2013-ka, taasoo dhawaan la horgeeyay.
Intaas kaddib, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay sida uu qoraayo xeerka dastuurka uu dhigaayo in muddo 30-cisho ah ay wasaaradda maaliyaddu dib ugu laabato miisaaniyad ay soo bandhigtay, si mar dambe cod loo siiyo.
Ma cadda sida laga yeeli doono miisaaniyadda ay soo bandhigtay xukuumadda oo ay qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ay saluugsan yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho