Xasan Shiikh iyo C/raxman C/Shakuur: 2 hoggaamiye oo hal wel-wel wadaaga!!

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho isaga oo 18 bilood kaddib markii talada dalka looga adkaaday ku soo laabtay.

Imaanshaha Xassan Shiekh waxa ay ahayd mid la wada sugayey maadama dhawr jeer oo hore uu baaqday.

Sidoo kale, boggiisa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirshakuur ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyey in uu dalka ku soo laaban doono muddo uusan cayyim balse aan dheereyn.

Bulshada inta badan waxa ay fahansan tahay in labada siyaasi ay dalka u imanayaan dar dar galinta ol’olihii ay awalba ku jireen ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo muddo laba sano iyo bar kaddib, walow in ay arintaas ku mideysan yihiin iyo in kale aysan caddeyn.

Xassan Shiekh?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud waxa uu sheegay markii uu ka soo degay gegida Aadan Cadde in uu dalka u yimi in uu  xog-ogaal u noqdo xaaladda dalka iyo dadka oo uu safarkiisa ku koobnaan doonin Muqdisho balse gobollada oo dhan tegi doono.

“safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimmo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa, dhinac walbo leh, dhinac siyaasadeed, dhinac dhaqaale leh, dhinac amni leh, kadibna wixii talo ah oo sida mustaqbalka loo quruxin karo ra’yigeyga iyo taladeyda siyaasadeed ayaan la iman-doonnaa, beyahan soo socdana kulammo badan iyo wada sheekeysi badan ayaan yeelan-doonnaa haddii alle yiraahdo’ marka kale waxaan u mahadcelinaa intii I soo dhoweysay inta dalka joogta iyo dibaddaba.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

“Waxaan qorshaynayaa in aan dalka dib ugu noqdo si aan hawsha horay ugu sii wado. Waxaan booqan doonaa Gobolada dalka hadba sidii ay duruuftu iigu saamaxdo. Waxaan ka filayaa shacabka Soomaaliyeed ee gudaha ku dhaqan soo dhoweeyn la mid ah tii aan kala kulmay jaaliyadaha debeda.”

Maxaa u dheer ol’olaha ay ugu jiraan doorashada mudadda labada sano ka badan ina xigto?

Labada siyaasi walow ay kala afkaar duwan yihiin hadana waxaa muuqata in ay ka wada siman yihiin dareenka ah in ay masiibo ku tahay himiladooda siyaasadeed  dowladda hadda jirta oo guuleysata.

Taas, waxaa laga dheehan karaa hadaladda kicinta ah ee uu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula hadlo dadka qurbaha iyo waliba qoraaladda uu soo dhigo Facebook.

Haddii aan kicinta sharraaxaad ka bixiyo, Cabdiraxmaan Cabishakuur inta badan waxa uu buun buuniyaa khilaaf uu sheego in uu u dhexeeyo dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah, haddii aad u fiirsato hadaladda uu jeediyo, kama waayeysid ka hadalka arintaas.

Taas, waxa ay caddeyn u tahay in siyaasiga uu wal walk a qabo in dowladda dhexe ay saameyn ku yeelato maamul gobolleedyada si kastaba haku timaadee isaga oo ka cabsi qaba in ay u fududeyso nidaamka hadda jira in ay caga dhigtaan oo ay doorashada dambe si fudud ku soo laabtaan.

Dhinaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waa laga yaabaa in uu kaga aragti duwan yahay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iska horkeenidda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, hadana waxa uu kala siman yahay in aysan dowladda sameyn ku yeelan ama aysan noqon kuwo ku siyaasad ah Muqdisho.

W/Q: Cabdalla Calasow Muse
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid