Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose uu ka furmo shir u dhexeyn doona madaxda dowlad gobaleedyada ka jira dalka.
Madaxda uu shirka u dhexeeyo ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana saaka halkaa ka socda qaban-qaabada shirka.
Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Jubbaland ayaa hada ku sugan Magaalada Kismaayo, halka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uusan weli gaarin magaalada Kismaayo balse la filaayo inuu gaara goordhow.
Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga ahna Hoggaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in shirka Golaha Iskaashiga diiradda lagu saari doono qodobo ay kamid yihiin Awood qeybsiga Kheyraadka, Dib u eegista dastuurka, Doorashadda 2020-ka iyo Khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo maamulada qaar iyo qodobo kale.
Waxa uu sidoo kale, Gaas sheegay in shirkan uu socon doono mudo Saddex maalin,waxaana lagu wadaa in warmurtiyeed laga soo saaro marka uu soo dhamaado shirka.
Sidoo kale, Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah,isla markaana ay uga hadli doonaan danaha dowlad Goboleedyada iyo mida guud ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa lagu wadaa in inta uu shirka socdo ay dooran doonaan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada maadaama uu C/weli Gaas galaayo doorasho.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo

