Cawad oo Jabuuti gaaray iyo dowladda SOMALIA oo qeyb ka ah qorshe cusub

Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad, ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Casmara, isagoo kusii jeeda Dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka wada hadli doona sidii loosoo afjari lahaa xurgufta ka dhex taagan Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Hoggaamiyeyaasha waddamada geeska Afrika ayaa indhawaalaba waday dedaallo lagu soo Af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi beedelkeedana wada qorshayaal horumarineed.

Saddexda hoggaamiye ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya xalay heshiisyo iskaashi, amni iyo dhaqaale ku saxiixay magaalada Asmar ee dalka Eritrea, waxaana arrimaha laga wadahadlay ka mida ahaa xiisadda ka dhex taagan dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com