DF oo gacanta ku dhigtay askari lagu tuhmayo dilka gabadhii sagaal jirka aheyd

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiil katirsan laamaha amaanka ee dowladda, ayaa soo sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari la tuhmayo inuu ka dnabeeyay dil shalay duhurnimadii Muqdisho loogu geystay gabar Sagaal sano jir eheyd.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Deeqo Daahir Faarax, ayaa haleeshay rasaas uu ridaya skari kamid ah Ciidamada dowladda Somaliya, wuxuna xiligaasi isku dayayay inuu furto wadada oo mashquul abdan uu ka jiray.

Howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen degmada Hodan, ayey ku soo qabteen askariga la tuhmayo inuu gabadha dilay, waxaa lala soo qabtay laba askari oo kale oo xiligaasi ay wada socdeen, kuwaasoo haatan lagu hayo xarunta danbi baarista ee C.I.D.

Ehelada Deeqa, ayaa sheegay in gabadhooda xligaasi ka soo rawaxday Iskuulka ay dhiganeysay, ayna saarneyd gaariga lagu qaado aradada Hoyga Xamar.

Warar kale oo aan heleyno, waxey sheegayaan in Saaka dhismaha xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada deyniile lagu xiray sarkaal la sheegay inuu ahaa midkii ay ilaalinayeen askarta lagu eedeeyay Toogashada, kaasoo markii danbe gacanta Hay’adaha amniga soo geliyay ilaaladiisa xiligaasi gaariga la saarneyd.

Maanta, ayaan wax shaqo ah ka jirin dugisga Hoyga Xamar, waxaana Maamulka iyo ardada dugsiga ka qeybgaleen aaska Marxuumad Deeqa Daahir Faarax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com