Farax Macalin oo shaaciyey saddex sir oo ku saabsan ciidanka Kenya ee Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ku eedeeyay inuusan dooneynin ka hadalka dhibta ay ciidamadiisa ku hayaan Somalia.

Waxa uu Siyaasiga Faarax sheegay in ciidamada Kenya ay dilal iyo gaboofallo joogta ah ka geystaan Gudaha wadamada Somalia iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in dowladiisa aysan diyaar u aheyn in xal loo helo dhibaatooyinkaasi lagu hayo Soomaalida.

Siyaasiga Faarax Macallin waxa uu tusaale u soo qaatay ciidan ka tirsan Kenya oo todobaadkan garaacay dad rayid ah sidoo kalena dab qabadsiiyay guryo ay dad rayid ah leeyihiin oo ku yaala degaanka daba City lagu magacaabo oo ka tirsan Mandheera.

Waxaa uu Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu wax ka qabto Ciidanka Kenya ee labada dhinacba ku dhibaateeya dadka rayidka ah.

Wuxuu intaa raaciyay Faarax Macallin in Ciidanka Kenya ee aan ku jirin AMISOM ay bur buriyeen siinka Isgaarsiinta Hormuud,waxaana uu Madaxweynaha ugu baaqay in uu Magdhow ka bixiyo dhibaatada Ciidanka Kenya ka wadaan gudaha labada dal.

Eeda iyo dhaliisha uu Faarax Macallin u jeediyay Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa waxaa nooga soo ifbaxay 3 Arrin oo kala ah:-

1-In ciidamo badan Kenyan ah oo aan u diiwaan gashneyn AMISOM ay ka howlgalaan deegaanada Jubbaland.

2-In Ciidamada Kenya ay ka goosa heystan Madaxda ugu sareysa dalkaas oo aan iyagu ka hadal xasuuqa iyo boobka lagu hayo Soomaalida.

3-In Madaxda Kenya ay eedeymaha xasuuqa u qaatan dhaliilo mucaarad, isla markaana ku amana ciidamadooda si ay usoo xoojiyaan falalkaasi.

Faarax Macalin ayaa muddo dhowr jeer Dowlada Kenya ku eedeeyay xasuuqa, hase yeeshee waxaa sii kordhay dhibta lagu hayo Soomaalida, halka uu ujeedku ahaa in la yareeyo xadgudubka.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Kenya kuwooda jooga deegaanada Jubbaland iyo xadka ayaa xasuuq ba’an u geysta dadka shacabka ah, taa oo sii kordhisay tirada geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com