Amiir Sacuudiyaan ah oo bixiyey xog Sacuudig ka qariyeen dilka Khashoggi

Frankfurt (Caasimada Online) – Amiir Sacuudiyaan ah oo fallaagoobay, Khalid Bin Farhan Al-Saud ayaa shaaca ka qaaday xog xasaasi ah oo ku saabsan dilka Jamal Khashoggi, taasi oo Sacuudiga ay qarinayaan.

Arrintan ayaa timid kadib Dowladda Sacuudiga ay xaqiijisay in weriye Jamal Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, labadii October.

“Xeer ilaaliyaha Sacuudiga waxa uu sheegay in Khashoggi uu dhintay kadib markii uu dagaal dhex-maray isaga iyo dad ku sugnaa qunsuliyadda. 18 qof ayaa arrintan loo xiray” ayuu lagu yiri qoraal xalay kasoo baxay dowladda Sacuudiga.

Amiir Khalid, oo ku nool dalka Jarmalka, ayaa sheegay in amarka lagu khaarijiyey Jamal uu bixiyey boqor Salmaan, kadibna Maxamed Bin Salmaan uu fuliyey amarkaas, oo aysan waxba ka jirin warka ah inaysan ayaga waxba ka ogeyn.

“Marka la ciqaabayo xubnaha mucaaradka ku ah dowladda ee aadka loo yaqaan, waxaa sidaas lagu sameeyaa amarka tooska ah ee boqorka. Jamal Khashoggi, dadkii dilay waxay amar toos ah ka heleen boqorka” ayuu yiri amiir Khalid.

“Maxamed Bin Salmaan kaligiis wax iskama sameeyo, waxa uu ku shaqeeyaa amarka boqor Salmaan” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Khalid Bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay booqashada xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu ku tegay magaalada Riyadh ay ahayd isku day la doonayo in xukunka lagu sii hayo Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu saaxib dhow la yahay madaxweyne Donald Trump.

“Waxaa jira dano badan oo Mareykanka ka leeyahay Maxamed Bin Salmaan, sida arrimo dhaqaale iyo mid amni, iyo heshiiska qarniga [ee magaalada Qudus lagu siinayo Yahuudda], kaasi oo laga doonayo Maxamed inuu ka gado Carabta” ayuu yiri Amiir Khaalid.

Amiir Khaalid ayaa soo jeediyey in xilka dhaxal-suge laga wareejiyo Maxamed Bin Salmaan loona beddelo walaalkiis Axmed Bin Cabdul Casiis.

Caasimada Online
Xafiiska Frankfurt
Caasimada@live.com