Kaluumeysato ajaaniib ah oo u kaluumeysanayay si sharci darro ah oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xeebaha magaalada Berbera ayaa sheegaya in ciidamada badda Somaliland ay gacanta ku dhigeen kaluumeysato ajaaniib ah oo si sharci daro ah ku kaluumeysanaysay.

Saraakiisha ciidamada badda Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadooda ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen xeebaha Karin ee duleedka magaalada Berbera, islamarkaana ay qabtee 22 kaluumeysato ajaaniib ah.

Kaluumeysataan ayaa saraakiisha waxay sheegeen inay  u dhasheen dalka Yemen, waxaana marar badan xeebaha Somaliland lagu qabtay kaluumeysato u dhashay dalka Yemen.

Taliyaha ciidamada Xeebaha Berbera Haaruun Saciid Cali, oo saxaafadda la hadlay ayaa cadeeyay in Kaluumeysataan ay wajihi doonaan maxkamad ayna hadda  ku xiran yihiin saldhiga magaalada Berbera.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay qabteen labo dooni oo ay lahaayen kaluumeysataan, isaga oo u digay ajaaniibta kale ee ku howlan inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com