Faarax Macallin oo jawaab ka bixiyey “Kismaayo laga xukumi maayo XAMAR”

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Faarax Macallin ayaa barta Twitter-ka si adag isaga difaacay eed in muddo ah loo haystay oo ahayd “Kismaayo Xamar laga xukumi maayo!”

Hadalkaas Faarax Macallin suuqa u galay ayaa yimi xilligii ay dowladdii Xassan Shikeh Maxamuud dagaalka siyaasadeed kula jirtay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo isagu ugu dambeystii guuleystay.

Lix sano kaddib, Faarax Macallin oo dowladdiisa ku eedeynaya qaladaad diblomaasiyadeed oo ay gobolka Geeska Africa ka gashay ayaa waxaa inta qoraalkiisa Twitter-ka ee arrintaas bulshada la wadaay si carro leh dhacdii “Kismaayo lagama Xukumi doono Xamar” ku karbaashay adeegsade Twitter oo uu akoonkiisa yahay Fouwzi A. Osman.

Muxuu ahaa qoraalkii Twitter-ka ee uu eeday Faarax Macallin kahor inta uusan is difaacin?

“Tobankii sano ee tegay waxaan ka baryayey dowladeyda in ay dhex dhexaad ka ahaato arrimaha u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Somalia. Waxaan in badan adkeeyey in niyad wanaagga Eritrea laga abaal naqo. Muruge se, Kenya iyo Somalia waxaa loo adeegsaday in lagu cambaareeyo Eritrea iyo cunaqabateyno la saaro! Hadda ciyaar ka daba tag ah ayaan dheeleynaa!

Adeegsade Twitter Fouwzi A. Osman oo Share gareyey qoraalka siyaasi Faarax Macallin muxuu ku sii dul qoray?

Baro waxa aad ku wacdiso. Miyaadan la maqsuudsaneyn Farah Macalinow waxa aad sida ceebta ah u tiri “Kismaayo Xamar laga xukumi mayo” markii ay soo weerareen Raaskambooni  oo taageerada ka heleysay dowladda aad jeceshay ee Kenya  oo aad kor iyo hoosba faraxad ula bood boodeysay?

Faarax Macallin Oo Jawaabay eeddaas ayaa yiri?

“Taas dhabtii waa been cad. Soo qaado codkii saxda ahaa haddii aad runta dooneyso. Kuwiina aad runta xiiseeneyn orda oo abuura muuqaaladeena la jar jaray ee codadka la saaray ee qashinka ah. Ugu dambeyn Mar walba runta ayaa ka guuleysata beenta.”

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com