‘Kiiska musuq-maasuqa ee xukuumadda Kheyre oo ka ballaaran inta la shaaciyey’

Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku helay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu warramayaa inuu ka ballaaran yahay inta illaa iyo hadda la shaaciyey, islamaarkaana uu socdo baaritaan dheeri ah.

Guddiga Maaliyadda Baarlamanka ayaa toddobaadkan ku eedeeyey xukuumadda musuq-maasuq xooggan oo lagu sameeyey miisaaniyaddii xukuumadda ee 2018, oo maalaayiin dollar lagu lunsaday.

Lacagta la la’yahay ayaa waxaa ugu badan 20 milyan oo ka mid ah 50-kii milyan ee Sacuudiga laga keenay. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ee Yariisow ee waxaa isna ku maqan sideed milyan oo dollar.

Si kastaba xisaabaadkaas ayaa qeyb ka ah kaliya kiis ballaaran, waxaan xaaladda lagu qeexay inay tahay “faanoole fari kama qodna”

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in xubno ka mid ah guddiga maaliyadda ay u sheegeen in tani ay tahay billow oo kaliya, oo ay ka daran yihiin waxa soo socda.

“Heerka xatooyada kheyraadka dadweyne iyo musuq-maasuqa waa ka qoto dheer yahay inta la shaaciyey. Waxay guddiga xaqiijinayaan caddeymo cusub oo ay ku taageeraan warbixintooda” ayuu yiri xildhibaanka, oo soo xiganaya xubnaha guddiga ee u warramay.

Kiiska musuq-maasuqa ayaa waxaa horey u beeniyey wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle, oo warbaahinta la hadlay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com