Xog: R/W Kheyre oo berri u safraya Qatar iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa berri u safraya magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Safarka Kheyre ayaa ah mid madaxeed rasmi ah oo dowladda dalkaas ay u fidisay ra’iisul wasaaraha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in booqashadan uu Kheyre kala hadli madaxda dalkaas arrimo badan oo ay ugu weyn tahay mashaariic hore ay Doxa u ballan-qaaday inay ka fulineyso Soomaaliya.

Ma jiraan faah-faahinno intan dheer oo laga helayo safarka Kheyre, oo la sheegay inuu yahay mid muddo ka hor la qorsheeyey inuu dhaco, waxaana maanta Muqdisho ka baxay wafto hurdhac u ah booqashadan.

Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee xiriirka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com