Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan, oo shalay ay dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg dalkeeda uga baxo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Wararka aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in diyaaradda siday Tarsan ay goor dhow soo cago dhigatay garoonka, waxaana muuqata in Tarsan uusan kadib dhicin waqtigii 24-ka saac ahaa ee loo qabtay inuu kaga baxo Kenya.
Tarsan ayaa waxaa diyaaradda la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugneyd Nairobi ayada oo kasoo laabatay safari caalami ah oo ay dhowr dal kusoo bixisay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo galay Nairobi, isla markaana Transit ku ahaa magaalada, isaga oo kasoo laabtay dalka Sweden.
Tarsan ayaa shalay looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya.
Kenya ayaa sidoo kale u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo oo isna loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo.
Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]