25.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

UPD oo bixiyey digniin ku aadan lacagta cusub ay Qatar u yaboohday Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee UPD ee Soomaaliya ayaa ka digay in si qaldan loo bixiyo lacag cusub oo ay dowladda Qatar u yaboohday Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa shalay ku dhowaaqday inay lacag dhan 73 milyan oo riyaalka Qatar ah, una dhiganta 20 milyan oo dollar oo ay ku taageereyso miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019.

Warkan oo uu ku dhawaaqay amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yimid kadib markii uu magaalada Doha kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdifataax Daahir, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbigaas ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku booriyey dowladda Qatar in lacag kasta oo ay Soomaaliya ugu deeqeyso ay marsiiso nidaamka maaliyadda dalka.

“Waxaan soo dhoweeneynaa oo aan la dhacsannahy in Qatar ay 20 milyan oo dollar ugu deeqday dalkeena. Si kastaba, waxaan Qatar ku boorineynaa in dhammaan deeqahooda marsiiyaan nidaamka maaliyadda dalka. Lacag laga soo geliyo albaabka gadaale, waxay sii kordhineysaa xasilooni darrada Soomaaliya.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Taageeradan ayaa muhiim ah dowladda xilli ay jiraan warar sheegaya in lacag badan ay ka dhiman tahay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, ayada oo bilihii dhowaa dowladda ay wajahaysay dhaqaale xumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News