Dalal ka mid ah Yurub oo shaaciyey in baasaboorka Somalia ay aqoonsadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah wadamada Yurub aya waxaa ay s irasmi ah ugu dhawaaqeen inay aqoonsadeen baasaboorka dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka laga aqoonsanaa kaliya dalal kooban.

Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen  baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wadamada Belgium iyo Luxembourg, kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya, nooca diblomaastiga iyo kan shaqaalaha dowladda.

Qofka sida baasaboorka Soomaaliga, ayaa si kastaba weli uu baahnaanaya Visa, si la mid ah baasaboorada kale ee caalamka.

Arrintaan ayaa sida la sheegay waxaa si wadajir ah ay uga shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo socaalka, taasi oo hadda ay xalin doonto aqoonsigan cusub.

Horay ayaa waxaa baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday wadamo badan oo uu ka mid yahay dalka Norway, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada kale ee qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com