Xaaf oo ay laba daran mid dooro hor-taal- Malaayiin dollar oo miiska u saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa wajahaya dhibaatooyin adag oo siyaasadeed iyo kalsooni darro uu ka qabo dhinacyada uu u dhaxeeyo ee kala ah Ahlusunna iyo dowladda Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xaaf maalin hore Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu siiyay talooyin siyaasadeed oo ku aadan Mustaqbalkiisa, waxaana sidoo kale loo sheegay in uusan heysan haba yaraatee difaac siyaasadeed.

Xaaf ayaa lagula taliyay in uu qaato lacag dhowr MALYAN ah oo islamarkaana uu is-casilo, hadii uu diidana ay dhici doonto in DF-ka Soomaaliya ay xil u magacaawdo Shaqsi uu wato hogaamiyaha Ahlusunna Macalim Maxamuud kaas oo ah Wiilkiisa Cabdisamad Macalim Maxamuud.

Hadii ay dhacdo Cabdisamad xil loo dhiibo waxaa meesha ka bixi doona culeeska DF-ka Soomaaliya ka heesta Galmudug sababtoo ah waxaa u suurta galaysa in ay milkiso laba dhinac ee Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka fekeraya in lacataasi qaato ama in uu qamaar ku ciyaaro Kalsoonida uu ku qabo Ahlusunna oo hada ah xubnaha kaliya ee Galmudug ku haya Madaxweyne Xaaf.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu dalbaday in marka hore loo soo fasaxo lacag dhowr MALYAN ah oo ay DF-ka Soomaaliya ka xayirtay maamulkaasi mudo ku dhow Sanad, kadibna uu ka fekeri doono nuuca go’aanka uu qaadanayo ee ku saabsan Mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dhinaca Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com