Cabdi Xaashi oo weerar ku qaaday baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa markale ku celiyay in wali uu jiro khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka oo aan xal laga gaarin.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay in Khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee  baarlamaanka marar badan ay isku dayeen in xal laga gaaro, laakiin aysan dhicin.

Wuxuu sheegay in xal u helida khilaafkaasi ay wax badan kaga tanaasuleen, balse dhanka golaha shacabka aysan muujin dabacsanaan buuxda si Khilaafka xal looga gaaro.

Khilaafka labada aqal ee baarlamaanka oo ku saleysan dhanka wada shaqeynta, meel marinta sharciyada iyo dhaqaalo la isku fahmi waayay ayaa sababay in siyaabooyin kala duwan loo furo kalfadhiyada baarlamaanka.

Waxaa uu intaasi ku daray hadalkiisa in Aqalka Sare uu diyaar u yahay in waxwalba oo dhaawici kara wadashaqeyn wadahadal lagu xaliyo, balse uu Golaha Shacabka ka waayey in uu la qaato arrintaas.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya khilaaf, iyada oo Golaha Aqalka sare ay xiriirka wadashaqeyn ay u jareen Golaha Shacabka,waxaana xusid mudan in dhowr bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in uu xalinaayo balse aysan suurtagelin.

Ma jirto Jawaab inta badan golaha shacabka ay ka bixiyaan eedeynta kaga timaada golaha aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com