29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka dalka Libya iyo ciidamada Jeneral Haftar oo qarka u saaran Tripoli

Bookmark
Bookmarked

Share

Tripoli  (Caasimadda Online) – Magaalada Tripoli ee Caasimadda u ah dalka Liibiya ayaa qarka u saaran inay marti geliso dagaal sokeeyo oo u dhaxeeyo Dowladda ay ictiraafsan tahay Qaramada Midoobay iyo ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar kuwaas oo Magaalada kasoo weeraray illaa saddex jiho.

Dagaalka oo markii hore ku bilowday si tartiib ah ayaa hadda waxaa lasoo sheegayaa inuu aad u xoogeystay iyadoo ciidamada daacada u ah Gen Khalifa Haftar ay qabsadeyn iloo dhawr xaafadood oo ka tirsan Magaalada.

Sida ay baahisay Al-Jazeera Ciidamada uu hoggaaminayo Generaalka ayaa gudaha u galay Magaalada Tripoli  illaa 25 kiilo mitir halka Ciidamada Dowladda ay isku diyaarinayaan dagaal culus inay kusoo qaadaan.

Ciidamada Dowladda ayaa Sabtidii DIyaarad ku duqeeyey Fariisimo ay Ciidamada Generalka ku lahaayeen meel aan sidaas uga sii fogeyn Tripoli.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda la helayo ayaa sheegayo in  mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu xoogan Tripoli oo loo yaqaano RADA ay dhinac u baxeen ayna taageerayaan haatan General  .

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyada u dhexeeyo milatariga Gen Khalifa Haftar iyo kooxaha taageera dowladda uu ka soconayo sadex goobood oo ku yaala koonfurta Libya.

Caasimada Tripoli ayaa xarun u ah dowlada Qaramada Midoobay ay taageerto caalamkuna aqoonsan yahay.

Khudbad uu telefishinka ka jeedayay madaxa xukuumada ay taageerto Qaramada Midoobay, raisal wasaare Fayez al-Sarraj, ayaa ku eedeeyay Gen Haftar inuu bilaabay inqilaab milatari.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku hanjabay inuu Generaalka kala kulmi doono awood culus iyo inaysan u suurtageli afgambiga uu dambacsan yahay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda dalkaasi iyadoo Liibiya ay ka socdaan iska hor-imaadyo xooggaan.

Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadahadalo uu la yeeshay taliyaha ugu awoodda badan milatriga Libiya uu kusoo dhamaaday guuldarro.

Balse janaraal Haftar ayaa lagu soo warramaya inuu u sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobey Antonio Guteras in ciidamdadiisa ay kusii jeeedaan magaalada Tripoli, uuna sii wadi doono dagaalka ilaa inta uu ka jabinayo maleeshiyaadka.

Mr Guterres ayaa dhankiisa ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay fududeynta helidda xal siyaasadeed oo looga gudbayo colaaddan iyo taageerada dadka reer Liibya.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan caasimada Tripoli ayaa heegan buuxa la galiyay.

Maxaa ka taqaanaa Jeneraal Khalifa Haftar?

Ninkan xilkan ka soo qabtay ciidammada qalabka sida ayaa Qaddaafi gacan ka siiyay in uu awoodda la wareego 1969, ka dib ayayse is maandhaafeen qurba joog ayuuna ku noqday Maraykanka.

Sannadkii 2011 ayuu soo laabtay ka dib markii Liibiya ay ka billawdeen kacdoonkii lagu diidanaa Qaddaafi, wuxuuna noqday taliye jabhadeed.

Jeneraal Khalifa ayaa bishii Diseembar la kulmay oo ay shir ka wada qayb galeen Ra’iisulwasaare Fayez al-Serraj oo ka socda dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, balse markii dambe ayuu diiday in ay wadahadal rasmi ah yeeshaan.

Jeneraal Khalifa ayaa taageero xooggan ka helayo Dowladaha Masar, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Faransiiska iyo Ruushka.

Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha ka dambeeyo weerarka uu Jeneraal Khalifa kusoo qaaday Tripoli, waxaana idinla wadaagi doonaa dhawaan warbixin buuxda oo ka hadleysa arrintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Tripoli
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News