Muqdisho (Caasimada online)-Cabdi Xasan Cawaale guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka dalka oo shir kaga qeyb galay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dhawaajiyay caqabado ka heysto arrimaha Dastuurka dalka.
Qeybdiid ayaa sheegay in Dastuur dalka Soomaaliya uu yeesho ay muhiim u tahay ummadda Soomaaliyeed, balse ay jiraan caqabado badan oo hortaagan hergelinta Dastuurka dalka.
Waxa uu sheegay in Dastuur sax ah hadii uusan jirin ay sii socon doonaan dihibaatooyinka dalka ka jira, hayeeshee looga bixi kara ay tahay in la dhameystiro Dastuurka dalka, islamarkaana sida sax ah loo dhaqan geliyo.
Caqabadaha ugu horeeya ee hortaagan Dastuurka dalka ayuu ku sheegay inay tahay in Siyaasi walbaa uu u adeegsado sida uu isaga doono, maadaama uu KMG yahay oo si dhab ah aan loo dhaqan gelin.
Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in dalka laga dhiso guddiga Sare ee madaxa banaan ee adeega garsoorka dalka iyo maxkamad dastuuri ah si madaxda dalka loola xisaabtami karo.
Isqab qabsiga iyo jahwareerka Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa inta badan waxaa saameyn uu ku leeyahay Dastuurka dalka oo aan loo adeegsaday sidii la rabay sida ay qabaan dad badan, hayeeshee uu socdo sidii lagu dhameystiri lahaa Dastuurka dalka.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhankiisa ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in caqabahada ka jira dalka ay ugu wacan tahay Dastuurkaan Qabyada ah, wuxuuna soo jeediyay in loo baahan yahay sidii aragti mideysan loogu biirin lahaa.
Caasimada Online
Xafiiska KIsmaayo
Caasimada@live.com