Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay Warshad sifayn doonta Baatroolka qeydhin oo dibeda dalka ka iman doona, taasoo laga hir-gelinayo maagaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ugu horayn Madaxda shirkadda Singapore New Silk oo ah shirkadda mashruucani maal-gashiganaysa ayaa sheegtay inay awooda saari doonaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland gaar ahaan wadooyinka iyo korantadda.
Sidoo kalena ay qayb ka qaadan doonaan shaqo abuurta dhalinyarada, iyagoo sheegay inay saddex boqol oo ka mid ah dhalinyarada ku jirta shaqo qaran ay ka qaadan doonaan ka shirkad ahaan oo ay ka hawlgeli doonaan Warshadooda.
Wasiiradda wasaaradaha ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo shaqo gelinta, arrimaha Bulshadda iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in mashruuca shirkadani ka mid yahay mashaariicda ugu waaweyn ee dalka ka socota.
Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku hambalyaynayaa shirkadani maal-gashiga weyn dalka ka samaynaysa, ka xukuumad ahaan waxaanu siinaynaa kalsooni cid kasta oo dalkani horumarkiisa gacan ka gaysanaysa, waxaan ugu baaqayaa bulshadda reer Somaliland inay oo dhaweeyaan maal-gashatadda islamarkaana qofkastaa ixtiraamo qawaaniinta dalka”.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]







