Somaliland oo mowqif adag ka qaadatay ciidamada ay sameysanayaan IGAD

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay markii uhoreysay dadaalka dowladaha gobolka geeska Afrika ee IGAD, ay ku doonayaan in ciidamo isku dhafa ka sameeyan gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

War qoraala oo kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in dadaal kasta oo ujeedadiisu ay tahay ilaalinta danaha guud ee Amaanka iyo danaha Dhaqaalaha ee geeska Afrika, ay Somaliland qeybteeda ka qaadan karto, ka maqnaashaheedu ay nusqaan tahay.

War-saxafadeedkan kasoo baxay Wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Somaliland ay rumeysantahay in dadaal kasta oo isku duba-ridaya wax ka badalka badda cas oo aaney Somaliland ku jirin uu macnaheedu yahay Aaminaad la’aan.

Waxa kale oo war-saxafadeedkan lagu yidhi “Somaliland waxay leedahay xeeb dharerkeedu uu ka badanyahay 850-KM, waxanay Somaliland horumarisay xirfad iyo inay casriyeyso, inay gaaf wareegto oo ay ilaalo, awoodna u leedahay inay gurmad geli karto si ay u xaqiijiso howl-galada oo ay si hufan uga qeyb qaadato ilaalinta marinka, maraakiibta ganacsiga. Somaliland waxay wajihi kartaa budhcad badeed, iyo dambiyada abaabulan iyo weliba shabakadaha wax isku gudbiya.”

War-saxafadeedkan ay soo saartay Wasaarada Arimaha Dibeda Somaliland, ayaa si cad loogu cadeeyay in Somaliland aanay aqbali doonin dadaal ciidamo loogu sameynayo badda Cas iyo weliba gacanka Cadmeed hadeyna iyadu qeyb ka aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com