Madaxa Aamin Ambulance oo xaqiijiyey in shaqada laga joojiyey iyo booliska…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa xaqiijiyay in amar ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir lagu amray inay joojiyaan shaqada, taasoo uu ku tilmaamay arrin aan wanaagsaneyn.

Dr. C/qaadir oo wareysi siiyay telefishinka BBC Somali ayaa sheegay in Booliska ay hadal ahaan ugu wargeliyaan inay shaqada joojiyaan, isla markaana aanay tagi karin goobaha qaraxyada ka dhacaan oo ay inta badan ka qaadaan dhibanayaasha iyo dadka ku waxyeelooba qaraxyada.

“Anaga siyaasi manihin oo Ganacsi abuuranana ,balse waxa nahay dad doonaya inaan badbaadino dadka waxyeelada ay kasoo gaarto qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ee dhaca,waxaan howshaas wadnay mudo 12 sano ah ayuu yiri Madaxda Gaadiidka Gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance.

Mar uu ka hadlayay hadal ka soo yeeray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ahaa in gaadiidka Gurmadka degdega loo adeegsan karo qaraxyada, sida ka dhacday caalamka ayuu ku tilmaamay hadalkaas inuu yahay war dhiilo leh in la yiraahdo gaadiidka gurmadka ayaa la isku qarxiyaa ama la adeegsanayaa, isagoo tilmaamay in marar badan ay dhacday baabuurta ciidamada loo ekeysiiyo in weeraro lagu fuliyo, xitaa dharka Ciidamada.

“Amarka nala siiyay wuxuu ahaa inaan shaqada joojin oo hadal ahaan Booliska nagu dhaheen, in meelaha qaraxyada ka dhacaan aanan tagi karin, markii aan ka codsanay warqad in nala siiyo waxay dhaheen warqad nalooma keenin”ayuu yiri Madaxa Gaadiidka Aamin Ambulance.

Warkaan kasoo yeeray  Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Dr. Cabduqaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa waxaa uu meesha ka saarayaa hadalo beenin ah oo kasoo yeeray Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance,isla markaana waxa ay tilmaamtay inay  sii wadi doonaan dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay barta Facebook ay ku leedahay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa u qornaa sidan:-

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance.

Hay’addan, Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka degdeg ah ka shaqeyso xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen.

Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u wajahno xaaladaha degdeg ah ee yimaada, lagana gudbo isbarbaryaaca baahsan.

Ugu dambeyn waxaa bulshada Somaliyeed soo xasuusineynaa in ay hayadaha amniga kala xiriiri karaan numberka 991”sidaas ayay tiri Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com