26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Canada oo shaacisay in 2 muwaadin looga xiray Soomaaliya + Magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimadda Online) – Dowladda Canada ayaa sheegtay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda lagu xiray meel ka tirsan dalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Canada oo war saxafadeed soo saartay ayaa sheegtay in 2 muwaadiin oo dhashay dalkeed lagu xiray Soomaaliya.

Qunsuliyadda Canada ee Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay in ay la xiriirtay Maamulka Soomaalida ee arrintan xiriirka la leh.

Dhinaca kale, Jason Jeremiyas o oah U-dhaqaaqe Xuquuqda Rayidka ee Hay’adda “Callled Price of Silence” oo markii ugu horreysay la xiriiray Wargeyska The Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Kanada waxa uu magacyadda Haweenkaas ku xiran Hargeysa ku kla sheegay Maymuum Cabdi iyo Kariima Wattis Cumar.

Wargeyska The Globe and Mail waxa u uqoray inaysan si madax bannaan u xaqiijin karin magacyadda haweenkaasi ku xiran Hargeysa.

Canada weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida loo xiray haweenkaan, Sababta Keentay iyo shaqada ay ka qaban jireen Soomaaliya.

Haweenkaan ayaa waxaa lagu xiray sida ay Qunsuliyadda Canada ee Nairobi sheegtay Saldhigga Booliska Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Waqtiga la xiray haweenkaan ayey safaaradda sheegtay inay aheyd Bishii January isla markaasna ay weli ku xiran yihiin xabsigaas.

Sida la ogaaday Labadaan Haween ayaa waxaa lala xiray qof seddexaad ooheysto Dhalashada Dalka Ingiriiska, waxayna weli isugu jiraan Xabsiga Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News