Axmed Madoobe: Duulaan magaalada Muqdisho ka yimid ayaa la igu soo qaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso.

Waxa uu sheegay in sababta ay tahay kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in looga soo duulay Muqdisho, islamarkaana ay socdaan xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho, taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Jubaland ka waddo arrimo ammaanka lidi ku ah oo laga soo abaabulayo Magaalada Muqdisho oo la doonaayo in dadka Shacabka ah dhibaato loo geysto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqda in uu banaanka soo dhigay inuu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com