Xaaf oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray fashilka ku yimid shirkii Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Galmudug ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray fashilkii ku yimid shirka Garoowe oo xalay lagu kala tagay kadib lix maalmood oo loo fadhiyey, wuxuuna fashilka shirka ku eedeeyey dowladda dhexe.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf, ayaa lagu sheegay in Galmudug ay ka niyadjab santahay fashilka ku yimid shirka u dhexeyay Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee ka socday Garawe 5-10 Maajo 2019.

Galmudug ayaa ku eedeysay dowladda federaalka in ayadoo madasha wadashiga Shirka Garawe madlan tahay, “ay qaaday tallaaboyin xagaldaacin ku ah shirka iyo ajandayaashii u madlanaa sida; sharciga doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka.”

Qoraalka Xaaf ayaa sidoo kale lagu yiri “Dawlada Federalka waxay diiday inay ixtiramto heshiski Jabouti o ay Galmudug iyo Maamulka Gobolada dhexe ku heshiiyeen kaso ay wax ka saxiixeen, dastuurkii lagu heshiiyayna ay tixgalin wayeen ayagoo wali faragalin ku haya Galmudug iyo Jubaland ,Sido kale waxaa looga hadalay shirka Garawe Maqamaka Muqdisho ayadoo Maamul goboleedyada isla ogalayeen in laga hadlo arinta Maqaamka Muqdisho Laakin ay dowlada Federalka hor istaagtay.”

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dadaal kasta ku bixiyeen in shirka Garawe guulaysto, iyadoo ay mar walba ka go’an tahay xeerinta danta shacabka Soomaaliyeed oo laga hormarinayo danaha gaarka ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran