26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxay Villa Somalia kaga dhigan tahay isbaheysiga looga dhowaaqay Garoowe?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayaa isbaheysiga cusub ee hadda ay sameysteen madaxda maamul goboleedyada Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland oo hadda kusoo biirtay isbaheysiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan u gashay sidii ay dhankooda usoo wada mari lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, balse waxaa caqabad adag ay kala kulmeen madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Kadib markii lagu kala tagay shirkii magaalada Garowe, waxaa kulamo gaar gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Puntland, HirShabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulamadaasi ayaa looga arinsanayay arimo dhowr ah, waxaana kulanka ugu muhiimsan uu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland, kaasi oo keenay isbadal weyn keenay.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa u muuqda mid wax badan ku badashay mowqifkii hore uu taagnaa, waxaana uu kamid noqday isbaheysi cusub oo ay yeesheen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland.

Isbaheysiga cusub ayaanan la ogeyn waxa uu ka badali doono xaaladaha culeeska ee saaran dhanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isbaheysigan cusub wuxuu kaga dhigan yahay inuu ka yaraan doono culeeska ugu badan ee kaga imaanayay dhanka maamul goboleedyada, waxaana kaliya usoo haray Jubbaland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe iyo Xaaf waxaa dhankooda heysta culeesyo doorashooyinka kusoo fool leh la xiriira, waxaana ay guul aan badneyd kaga dhigan tahay dhanka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News